Muqdisho SSMC :-Dagaallo xiriir ah oo sadexdii maalmood ee aan soo dhaafney ka dhacay magaalada Muqdisho,ayaa xooggiisu waxay ka socdeen Degmada Boondheere oo kaabiga ku haysa Xarunta Madaxtooyada dowlladda kumeelgaarka Soomaaliya.

Dagaalkan oo u socdey si xiriir ah ayaa sababey inay gebi ka baxaan shacabkii ku noolaa degmada Boondheere,ka dib markii lagu asqeeysiiyey Madaafiicda noocyadeeda kala duwan oo ay dhinacyada isku haysta isku garaacayaan.
Iyadoo sadexdii maalmood ee aan soo dhaafney dagaallo qasaaro badan dhaliyey ka socdeen ayaa maaanta waxa la dareemayaa deganaasho yar oo aan cago badan ku taagneen,iyadoo dhinacyadii dagaallamayey ee Xarakada Alshaabul Mujaahiddiin iyo Ciidamada dowlladda oo kaashanaya AMISOM,maanta si iskood ah u joojiyeen dagaalladii dhaxmarey.
Degmada oo ay markeedii hore gacanta ku dhigeen Xarakada Alshabaabul Mujaahidiin,islamarkaasna laga barakiciyey Ciidamada dowlladda ayaa waxa dagaalka maalintiisa labaad soo galey Ciidamda AMISOM,gaar ahaan kuwa ka socda Dalka Burunddi,iyagoo dagaalka uga qeyb qaatey dabbaabaadka dagaalka,Madaafiicda iyo Ciidamda Lugta oo dagaalka si toos ah u galey.
Ciidamada Burundi oo dadka la socda dagaalada iyo Difaacyada ay sammeeynayaan isha ku haya ayaa sheegey inay ka tayo fiican yihiin kuwa Uganda,waxana la sheegey inay Madaafiicda ay ridayaan iyo Hubka gacanta iyo kuwa Taangiyaasha ka dhaca la beegsadey goobaha ay beegsanayaan.
Ciidamada Burunddi oo adeegsiga Madaafiicda goobaha dagaalka kaga dheereeya kuwa Uganda ayaa ku guuleystey inay la wareegaan dhowr goobood oo ay hore u haysteen Xarakada Alshabaabul Mujaahiddiin,waxana laga tilmaamey goobaha Isgoyska Boondheere Xarunta degmada iyo goobo kale,inkasta Ciidamada Xarakada Alshaabna kaabiga ku hayaan degmada.
Xarakada Alshabaabul Mujaahiddiin ayaa weli waxay ku mintidayaan inay xajistaan goobaha ay haystaan ee degmada Boondheere,taasina waxay keentey inay Ciidamada Burunddi ay halka dagaalku ka socda iyo Wadada Wadnaha ay Guri Guri iyo looto looto Madaafiic ku gaaraacaan.
Shacabkii ku dhaqnaa degmada ayaa gebi ahaan ka huleeley degmada waxana loo kala baxey Ciidamada dowllada iyo AMISOM oo dhinac ah iyo Xarakada Alshabbaabul Mujaahiddiin,waxayna degmada noqotey mid aan laga rabin caaqibo dambe,waxayna ku dhowdahay inay noqoto dhul banaan oo lagu sheegi doono inay beri degmo ahaan jirtey.
Si kasta ha ahaatee degmada Boondheere weli laguma kala baxin maanta xaalladdu waxay u muuqataa in la isku nasannayo oo dhaawacyada iyo Meydadka la kala guranayo,waxana weli halkaas ka socda dhaqdhaqaaqyo Ciidan oo ay labada dhinac wadaan.
Ugu dambeyntii Ciidamda dowlladda oo ka dagaalamaya deegaanda Waqooyiga Muqdisho ayaa waxa dhabarka ka jebiyey Xarakada Alshabaabul Mujaahiddiin,iyadoo marka ay dagaalladu dhacaan markiiba kala firxadaan,waxayna dabada la soo galaan Ciidamada AMISOM oo ku hareereysan Xarunta Madaxtooyada.
Dowlladda kumeelgaarka ayaa iminka tiirka keliya ee ay ku taagan tahay ee difaacaya yahay Ciidamada Midowga Afrika ee ku sugan Muqdisho,iyadoo Ciidamada faraha badan ee dalka dibaddiisa iyo gudaha lagu tababarey ay noqdeen kuwo aan waxba tareyinin,waxana la sheegayaa in ciidamada ay haysato kor u dhaafeen tobon Kun oo askeri,hase yeeshee tayo Xumida Ciidamada dowllada ayaa loo aaneeyaa Musuqa Saraakiisha,Galaha wasiirada iyo Madaxda Hogaamisa.
Nin aad ugu dhow Ciidamada dowlladda oo shabakaddan u warramey ayaa sheegey in sababata Askarta faraha badan ee dowlladdu aaney waxba tareynin ku sheegey inay ugu wacan tahay Musuqa Madaxda dowlladda ayaa wuxuu ku fidey Askarta,iyadoo Askerigu Rasaasta Maalin dagaal soo siiyo 3 ka meel 2 Meelood iibsanaya,asagoo sidaas u yeelaya inuusan heleynin Mushaar,Raashiin iyo Daawo haddii uu dhaawacmo.
Waraqbadka SSMC Somalia
Aadan Cusmaan
Bokoola@hotmail.com