Muqdisho SSMC:-Ciidamada dowladda KMG Soomaaliya aya amaanta Baaritaanadii ugu xooganaa ka fuliyeyey inta badan degmooyinka ay maamusho dowladda KMG Soomaaliya iyagoo gacanta ku dhigey dhowr qofood.

Howlgaladan ay maanta ku dhaqaaqeen ciidamada Booliska ee Dowlada KMG Soomaaliya ayaa waxaa ay ka sameeyeen Degmooyink dhowr ah oo ay ka mid yihiin Degmooyinka Xamarweyne, Xamarjajab iyo Waabari oo dhamantoodba ka mid ah Degmoyinka ay gacanta ku hayso Dowlada KMG Soomaaliya.
Ciidamada ayaa howlgalkooda ku baarayey Gaadiidka dadweynaha ee iskaga gooshta dhinaca ay dowlladdu maamusho iyo dhinacayada ka horjeeda,waxayna Ciidamadu Gaadiidka ka dejinayeen dhamaan Rakaabka saaran Gawaarida oo dhan iyagoo mid mid u baaray.
Gudoomiyaha Degmada Xamarjajab C/baasid Maxamed Xasan oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in howlgaladii maanta ay sameeynayeen Ciidamada Booliska ay ahayeen kuwo amaanka lagu xaqiijinayo,islamarkaan lagu soo qabqabtay rag loo fahmay inay amaandarro ka wadeen Degmooyinka ay gacanta ku hayso Dowlada KMG Soomaaliya.
Sidoo kale Afhayeenka Ciidanka Booliska G/sare C/laahi Xasan Bariise ayaa sheegay in howlgaladan ay yihiin howlgalo ballaaran oo amniga lagu sugayo islamarkaana Hubkii sharci daro ay qabtaan iyo qofkii wata sharcigana horgayn doonaan.
Inkastoo maanta ciidanka booliska ay howlgalo balaaran ka sameeynayeen Degmooyinka ay gacanta ku hayso Dowlada KMG ee Soomaaliya ayaa hadana waxaa jira qaraxyo iyo dilal ka dhacay dhowr mar oo horay Degmooyin ay ka taliso Dowlada KMG iyadoo qaar ka mid ah qaraxyadaasi masuuliyadooda ay sheegteen Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab.
Warqabadka SSMC Somalia
Aadan Cusmaan
Bokoola@hotmail.com