Kampala SSMC:-Shirka ay magaalada Kampala ee xarunta dalka Uganda ku leeyihiin madaxda Afrika ,ayaa diirradda lagu saarayaa xaaladda cakiran ee Soomaaliya,ee dhibaatadeedu saameyn ku yeelaty dalalka Afrika gaar ahaan kuwa Bariga Afrika.

Jean Mfasoni, oo ah xog-hayaha Ururka Midowga Afrika ayaa warfidiyeennada ku sugan Kampala u sheegey,in shirka Midowga Afrika lagu doonayo xal buuxa oo laga gaaro arrimaha murugsan ee dalka Soomaaliya,wuxuuna sheegey in la doonayo xoojinta amaanka,islamarkaasna looga adkaan lahaa kooxaha la dagaalamaya dowlladda kumeelgaarka Soomaaliya.
Sidoo kale Madaxda Afrika waxay ka wada hadli doonaan dhibaatooyinka ka jira Galbeedka Afrika, gobolka Daafuur ee dalka Suudan iyo xaaladda amaan ee dalka Somalia oo muddo20 Sano ah dagaallo ka socdaan,ayuu hadalkiisa ku darey xog-hayaha Ururka Midowga Afrika.
Shirka Sanadka ee Madaxda Afrika ayaa looga hadlayaa xaalladda amaanka iyo nabadgeliyada Qaaradda,iyadoo ajandaha ugu Sarreeya ee shirka ay ugu horreyso xaaladda Soomaaliya.
Jean Mfasoni, ayaa sheegay in Shirkaan oo soconaya muddo saddex maalmood ay ka qeyb galeen in ka badan 40 madax oo ka socota qaaradda Afrika,waxaana la doonayaa in xal wanaagsan loo helo dhibaatada iyo dagaalada ka soconaya Somalia waana arrinta ugu wanaagsan ee madaxda Afrikaanku doonayaan inay xalliyaan ayuu hadalkiisa raaciyey.
Warqabadka SSMC Somalia
Aadan Cusmaan
Bokoola@hotmail.com