Home » Warka Soomaali » Dagaal Galabta ka Dhacey Degmada Hodan.

Dagaal Galabta ka Dhacey Degmada Hodan.

Muqdisho SSMC:-Abaarihii shantii galabnimo ayaa dagaal aad u kululi wuxuu dhaxmarey Ciidamda Xarakada Alshabaabul Mujaahidiin,Xisbul Islaam oo dhinac ah iyo Ciidamada Culumada Ahlu Sunna Walamaaca oo fariisin ku leh halka loo yiqaanno Biyo degga.

Dagaalka ayaa wuxuu si toos ah uga dhacey inta u dhaxeysa Isgoyska Dabka iyo kan Bakaaraha,waxana la isku adeegsadey Hubka noocyadiisa kala duwan,iyadoo Hubka culus iyo kan fudud ee la isdhaafsanayo uu ku soo daadanaayey Suuqa weyn ee Bakaaraha.

Hubka Lidka diyaaradaha Hoobiyeyaasha iyo Rasaasta caadiga ayaa ku soo hoobaneysay Bakaaraha,waxana dagaalkaas ku dhintey 5 qofood oo rayid ah iyo 10 kale oo dagaalkaas ku dhaawacantey,xilliga dagaalku qarxey oo ku beegneed goorta ay Ganacsatadu ka rawaxayeen Suuqa weyn ee Bakaaraha.

Sarkaal u hadley culumada Ahlu Sunna Waljamaaca oo ka hadley dagaalkaasi ayaa sheegey in iyaga la soo weerarey islamarkaasna ay jilibka u dhigeen,asagoo sheegtey in dhinacyadii soo weerarey ku qasbeen inay kala firxadaan,wuxuuna sheegey inay ka dileen kana dhaawaceen 10 qofood.

Ma jiro warar ka soo baxey dhinaca Xisbul Islaam iyo Xarakada Alshabaabul Mujaahiddiin,mana jiro warar madax banaan oo ka soo baxey dagaalka galabta ka dhacey degmada Hodan ee gobolka Banaadir.

Warqabadka SSMC Somalia
Aadam Cusmaan
Bokoola@hotmail.com

Leave a comment