Home » Warka Soomaali » Taliyaha Ciidanka Ilaalada Madaxtooyada oo Beeniyay Inuu isku Dhiibay Al-Shabaab.

Taliyaha Ciidanka Ilaalada Madaxtooyada oo Beeniyay Inuu isku Dhiibay Al-Shabaab.

Muqdisho SSMC:-Taliyaha Ciidanka Miliratiga ee Ilaaliya Xarunta Madaxtooyada ee Villa Soomaaliya ayaa maanta beeniyay war ay sheegteen Xarakada Alshabaabul Mujaahiddiin,oo ahaa in Taliyaha iyo Saraakiil ka tirsan dowladda ay isku  soo dhiibeen iyaga.

Taliyaha Ciidanka Militeriga ee Ilaaliya Madaxtooyada, Gaashaanle sare C/laahi Cali Caanood oo maanta shir jaraaid ku qabtey Xarunta Madaxtooyada ee Villa Soomaaliya,ayaa waxaa uu beeniyay hadal maanta ka soo baxey Afhayeenka howlagallada dagaalka ee Xarakada Alshabaabul Mujaahidiin C/siis Abuu Muscab ku sheegey in Saraakiil ka tirsan ilaalada Madaxtooyada oo uu hoggaaminayo Caanood u soo goosteen dhinacooda.

Taliyaha Ciidanka Ilaalada Madaxtooyada ayaa shacabka Soomaaliyeed iyo hay’adaha amaanka ee dowlladda ogeysiiyey,inuu warkaasi yahay been abuur aan sal iyo raad laheyn,wuxuuna warkaasi ku tilmaameen inuu yahay mid ay magac ku raadinayaan,islamarkaasna ay ugu talagaleen inay tashwiish ku furaan Ciidamada iyo Saraakiisha Ciidamada dowlladda,sida uu hadalka u yiri.

Gaashaanle sare C/laahi Cali Caanood ayaa sidoo kale waxaa uu waxba kama jiraan ku tilmaamay wararka sheegaya in saraakiil ka tirsan Madaxtooyada ay isku dhiibeen Xarakada Mujaahidiinta AL Shabaab intuu uu xilkan hayay.

Hadalkaani ka soo yeeray Taliyaha ciidanka militariga Soomaaliya ee Ilaalada Madaxtooyada,ayaa ku soo beegmey war ay maanta soo saareen Xarakada Alshabaabul Mujaahiddiin oo sheegaya in Saraakiil ka tirsan Ciidamada Madaxtooyada oo uu hoggaaminay C/llaahi Cali Caanood isku soo dhiibeen,iyaga islamarkaasna ka mid noqdeen Xarakada Alshabaabul Mujaahiddiin,warkaas oo uu saxaafadda u sheegey Afhayeenka howlgallada ee Xarakada Alshabaabul Mujaahidiin C/siis Abuu Muscab.
Warqabadka SSMC Somalia
Aadan Cusmaan
Bokoola@hotmail.com

Leave a comment