SSUnion.net

Ardey ku geeriyootay Qaraxii shalay ka dhacay Wadada Warshadaha ee Muqdisho.
Muqdisho SSMC:Warsaxaafadeed ka soo baxaya Xafiiska Wasiirka Warfaafinta Xukuumada KMG Soomaaliya C/raxmaan Cumar Cusmaan (Ing.Yariisow) ayuu ku sheegay in Qaraxii shalay ka dhacay qeybo ka mid ah wadada Warshadaha ee Magaalada Muqdisho ay ku geeriyoodeen ilaa sedax gabdhood oo ka mid ahaa ardeydii wax ka baraneysay achadka SIMAD.

Qaraxa shaley ka dhacey Wadada Warshadaha oo ay Fariisin ku leeyihiin Ciidamada AMISOM gaar ahaan kuwa Burunddi ayaa waxa waxyeello ka soo gaartey Shacab Saarnaa Gaari Mini Bas ah oo shacab siday ;sidoo kale waxa ku waxyeelloobey Shacab kale oo saarnaa laba Gaari oo daba socdey kii Qaraxa lala eegtey.

Waxana Qaraxaas ku dhintey 9 qofood oo rayid ah oo 3 ka mid ah ay Ardey ahaayeen,waxana ku dhaawacmey dad kale oo gaaraya 25 qofood oo isla shacab ah.

Wasiirka Warfaafinta Xukuumada KMG Soomaaliya Ing, Yariisow ayaa cambaareeyay qaraxaasi isagoo tilmaamay inay ka dambeeyeen kooxo manaxayaal ah oo u soo jeestay waxyeeleynta dadka rayidka ah ee Soomaaliyeed sida ku qoran warsaxaafadeedka ka soo baxay xafiiska Wasiirka Warfaafinta.

Ugu dambeyntii wasaarada Warfaafinta Xukuumada kMG Soomaaliya waxaa ay tacsi u dirtay dhamaan ehalada dadkii ku waxyeeloobay qaraxii shalay galinkii dambe dadka shacabka ah kula qarxay agaagarka Kulyadiid Jaalle Siyaad ee Magaalada Muqdisho.

Wasaradda Warfaafinta dowladda KMG Soomaaliya ayaa sheegtay in qaraxii shalay ka dhacay Wadada Warshadaha ay ku geeriyoodeen ardey wax ka baraneysa Machad SIMAD ee Magaalada Muqdisho,qaraxaas oo ay cambaareysey Wasaaradda Warfaafintu.

Ra’iisul wasaare Sharma’arke oo sheegay in ciidamada DKMG lagu tababarayo dalka.
Muqdisho SSMC:Ra’iisul wasaaraha Xukuumada KMG Soomaaliya ayaa maanta war qoraal ah ku sheegay in wixii haatan ka dambeeya ciidamada dowladda lagu tababari doono oo kaliya gudaha dalka Soomaaliya halka markii hore dibadda lagu soo tababari jiray.

w

Ra’iisul wasaaraha Xukuumada KMG Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharmarke oo maanta dib ugu soo laabtay gudaha Magaalada Muqdisho ayaa waxaa uu warbixin qoraal ah ka soo saaray safaradii uu ku soo maray qaar ka mid ah wadamada Caalamka iyo sidoo kale kulankii uu la qaatay ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Augustino Mahiga. Sharmaarke ayaa qoraalkiisa ku sheegay inay isla garteen ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay in si deg deg ah Xafiisyada Qaramada Midoobay looga furo Magaalada Muqdisho iyo in la dhiso xerooyin Ciidamada qalabka sida ee dalka Soomaaliya. Warqadaasi qoraalka ah ee ka soo baxday Xafooska Wasiirka koowaad ee DKMG Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke ayaa waxaa saxaafada u aqriyay afhayenka Xukuumada C/qaadir Max’ed Walaayo, isagoo sheegay in warqadii maanta ka soo baxday Xafiiska Cumar C/shiid ay ku qorneed in wixii maanta ka dambeeya lagu tababarayo Ciidamada Soomaaliya dalka gudihiisa, islamarkaana sida afhayeenku uu cadeeyay aysan jirin doonin ciidan dambe oo ay leedahay dowlada KMG Soomaaliya oo lagu soo tababaro meel dibada ka ah wadanka Soomaaliya sida uu carabka ku dhiftay. Ugu dambeyntii ayaa qoraalka Ra’iisul wasaaraha waxaa lagu xusey in si deg deg ah loo hirgaliyo go’aanadii midowga Afrika iyo Urur goboleedka IGAD ay ku kala gaareen Magaalooyinka Addis Ababa iyo Kampala kaasoo oo ku aadanaa in Soomaaliya laga taageero xagga Amniga

Dowladda KMG oo Saanado Militari u Dirtay Dowllad Goboleedka Puntland
Muqdisho SSMC: Wararka laga helayo xarunta dowlladda KMG ayaa sheegaya inay dowlladda kumeelgaarku Saanado Militeri u dirty Maamul goboleedka Puntland,kaas oo sida la sheegayo laga dhoofiyey Goroonka caalamiga ee Aadan Cadde Airport.

Warkan oo laga soo xigtey qaar ka tirsan masuuliyiinta dowlladda iyo maamul goboleedka Puntland ayaa xaqiijinaya in toddobaadka hore dowlladda kumeelgaarku saanado ciidan u dirty dowllad goboleedka Puntland,si ay uga gacan siiso dagaalka ay kula jirto wadaad Diimeedka la yiraahdo Maxamed Saciid Attam.

Hubka ay u dirtay dowladda KMG Soomaaliya Maamulka Puntland oo tirada  iyo tayadiisa dhabta ah la ogeen ayaa waxa magaalada Garoowe gaarsiyey Xildhibaanno ka tirsan Mudaneyaasha Baarlamaanka oo loo sii dhiibey,waxayna Hubkii ku wareejiyeen Masuuliyiinta Maamulka Puntland.

Arintaani ayaa waxaa durba ka warheley mudanayaal ka tirsan Barlamanka KMG Soomaaliya, kuwaasi oo sharcidarro ku tilmaamay talaabadaani ay sida hoose u qaaday Xukuumada KMG Soomaaliya, waxaana ay sheegeen in maalmaha soo socda ay ka hadli doonaan islamarkaana ay hordhigi doonaan mudanayaasha Barlamanka Soomaaliya.

Majiro wax war ah oo ka soo baxay dhanka Maamulka Puntland oo ku saabsan Saanada Militari ee dowladda KMG Soomaaliya u dirtay si ay ugu xoojiso dagaalka  ay kula jirto Wadaad Diimeedka Maxamed Saciid Attam oo sheegtey inuu ka tirsan yahay Xarakada Alshabaabul Mujaahiddiin,kaasoo Saldhig Ciidan ku leh Buuraleyda Puntland.

Tallaabadan ay dowlladda kumeelgaarku Hubka ugu direty Puntland ayaa imaaneysa xilli ay dowlladda kumeelgaarka ay ku oodan tahay dhul ka yar 2km oo isku wareeg ah,iyadoo kooxaha Mucaarikda ee ka horjeeda ay dagaalka Muqdisho ka dhacaya ay uga gacan sarreeyaan.

Warqabadka SSMC Somalia

Aadan Cusmaan

Bokoola@hotmail.com

Degmada Boondheere oo Qarka u Saaran Inay Noqoto Dhul Banaan oo Guri Ka Taagneen.
Muqdisho SSMC :-Dagaallo xiriir ah oo sadexdii maalmood ee aan soo dhaafney ka dhacay magaalada Muqdisho,ayaa xooggiisu waxay ka socdeen Degmada Boondheere oo kaabiga ku haysa Xarunta Madaxtooyada dowlladda kumeelgaarka Soomaaliya.

Dagaalkan oo u socdey si xiriir ah ayaa sababey inay gebi ka baxaan shacabkii ku noolaa degmada Boondheere,ka dib markii lagu asqeeysiiyey Madaafiicda noocyadeeda kala duwan oo ay dhinacyada isku haysta isku garaacayaan.

Iyadoo sadexdii maalmood ee aan soo dhaafney dagaallo qasaaro badan dhaliyey ka socdeen ayaa maaanta waxa la dareemayaa deganaasho yar oo aan cago badan ku taagneen,iyadoo dhinacyadii dagaallamayey ee Xarakada Alshaabul Mujaahiddiin iyo Ciidamada dowlladda oo kaashanaya AMISOM,maanta si iskood ah u joojiyeen dagaalladii dhaxmarey.

Degmada oo ay markeedii hore gacanta ku dhigeen Xarakada Alshabaabul Mujaahidiin,islamarkaasna laga barakiciyey Ciidamada dowlladda ayaa waxa dagaalka maalintiisa labaad soo galey Ciidamda AMISOM,gaar ahaan kuwa ka socda Dalka Burunddi,iyagoo dagaalka uga qeyb qaatey dabbaabaadka dagaalka,Madaafiicda iyo Ciidamda Lugta oo dagaalka si toos ah u galey.

Ciidamada Burundi oo dadka la socda dagaalada iyo Difaacyada ay sammeeynayaan isha ku haya ayaa sheegey inay ka tayo fiican yihiin kuwa Uganda,waxana la sheegey inay Madaafiicda ay ridayaan iyo Hubka gacanta iyo kuwa Taangiyaasha ka dhaca la beegsadey goobaha ay beegsanayaan.

Ciidamada Burunddi oo  adeegsiga Madaafiicda goobaha dagaalka kaga dheereeya kuwa Uganda ayaa ku guuleystey inay la wareegaan dhowr goobood oo ay hore u haysteen Xarakada Alshabaabul Mujaahiddiin,waxana laga tilmaamey goobaha Isgoyska Boondheere Xarunta degmada iyo goobo kale,inkasta Ciidamada Xarakada Alshaabna kaabiga ku hayaan degmada.

Xarakada Alshabaabul Mujaahiddiin ayaa weli waxay ku mintidayaan inay xajistaan goobaha ay haystaan ee degmada Boondheere,taasina waxay keentey inay Ciidamada Burunddi ay halka dagaalku ka socda iyo Wadada Wadnaha ay Guri Guri iyo looto looto Madaafiic ku gaaraacaan.

Shacabkii ku dhaqnaa degmada ayaa gebi ahaan ka huleeley degmada waxana loo kala baxey Ciidamada dowllada iyo AMISOM oo dhinac ah iyo Xarakada Alshabbaabul Mujaahiddiin,waxayna degmada noqotey mid aan laga rabin caaqibo dambe,waxayna ku dhowdahay inay noqoto dhul banaan oo lagu sheegi doono  inay beri degmo ahaan jirtey.

Si kasta ha ahaatee degmada Boondheere weli laguma kala baxin maanta xaalladdu waxay u muuqataa in la isku nasannayo oo dhaawacyada iyo Meydadka la kala guranayo,waxana weli halkaas ka socda dhaqdhaqaaqyo Ciidan oo ay labada dhinac wadaan.

Ugu dambeyntii Ciidamda dowlladda oo ka dagaalamaya deegaanda Waqooyiga Muqdisho ayaa waxa dhabarka ka jebiyey Xarakada Alshabaabul Mujaahiddiin,iyadoo marka ay dagaalladu dhacaan markiiba kala firxadaan,waxayna dabada la soo galaan Ciidamada AMISOM oo ku hareereysan Xarunta Madaxtooyada.

Dowlladda kumeelgaarka ayaa iminka tiirka keliya ee ay ku taagan tahay ee difaacaya yahay Ciidamada Midowga Afrika ee ku sugan Muqdisho,iyadoo Ciidamada faraha badan ee dalka dibaddiisa iyo gudaha lagu tababarey ay noqdeen kuwo aan waxba tareyinin,waxana la sheegayaa in ciidamada ay haysato kor u dhaafeen tobon Kun oo askeri,hase yeeshee tayo Xumida Ciidamada dowllada ayaa loo aaneeyaa Musuqa Saraakiisha,Galaha wasiirada iyo Madaxda Hogaamisa.

Nin aad ugu dhow Ciidamada dowlladda oo shabakaddan u warramey ayaa sheegey in sababata Askarta faraha badan ee dowlladdu aaney waxba tareynin ku sheegey inay ugu wacan tahay Musuqa Madaxda dowlladda ayaa wuxuu ku fidey Askarta,iyadoo Askerigu Rasaasta Maalin dagaal soo siiyo 3 ka meel 2 Meelood iibsanaya,asagoo sidaas u yeelaya inuusan heleynin Mushaar,Raashiin iyo Daawo haddii uu dhaawacmo.

Waraqbadka SSMC Somalia

Aadan Cusmaan

Bokoola@hotmail.com

Ciidamada Dowlladda oo Baaritaankii Ugu Ballaaran Ka Fuliyey Muqdisho.
Muqdisho SSMC:-Ciidamada dowladda KMG Soomaaliya aya amaanta Baaritaanadii ugu xooganaa ka fuliyeyey inta badan degmooyinka ay maamusho dowladda KMG Soomaaliya iyagoo gacanta ku dhigey dhowr qofood.

Howlgaladan ay maanta ku dhaqaaqeen  ciidamada Booliska ee Dowlada KMG Soomaaliya ayaa waxaa ay ka sameeyeen Degmooyink dhowr ah oo ay ka mid yihiin Degmooyinka Xamarweyne, Xamarjajab iyo Waabari oo dhamantoodba ka mid ah Degmoyinka ay gacanta ku hayso Dowlada KMG Soomaaliya.

Ciidamada ayaa howlgalkooda ku baarayey Gaadiidka dadweynaha ee iskaga gooshta dhinaca ay dowlladdu maamusho iyo dhinacayada ka horjeeda,waxayna Ciidamadu Gaadiidka ka dejinayeen dhamaan Rakaabka saaran Gawaarida oo dhan iyagoo mid mid u baaray.

Gudoomiyaha Degmada Xamarjajab C/baasid Maxamed Xasan oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in howlgaladii maanta ay sameeynayeen Ciidamada Booliska ay ahayeen kuwo amaanka lagu xaqiijinayo,islamarkaan lagu soo qabqabtay rag loo fahmay inay amaandarro ka wadeen Degmooyinka ay gacanta ku hayso Dowlada KMG Soomaaliya.

Sidoo kale Afhayeenka Ciidanka Booliska G/sare C/laahi Xasan Bariise ayaa sheegay in howlgaladan ay yihiin howlgalo ballaaran oo amniga lagu sugayo islamarkaana Hubkii sharci daro ay qabtaan iyo qofkii wata sharcigana horgayn doonaan.

Inkastoo maanta ciidanka booliska ay howlgalo balaaran ka sameeynayeen Degmooyinka ay gacanta ku hayso Dowlada KMG ee Soomaaliya ayaa hadana waxaa jira qaraxyo iyo dilal ka dhacay dhowr mar oo horay Degmooyin ay ka taliso Dowlada KMG iyadoo qaar ka mid ah qaraxyadaasi masuuliyadooda ay sheegteen Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab.

Warqabadka SSMC Somalia

Aadan Cusmaan

Bokoola@hotmail.com

Madaxda Afrika oo ka Hadlaya sidii xal loogu heli lahaa Arrimaha Somalia.
Kampala SSMC:-Shirka ay magaalada Kampala ee xarunta dalka Uganda ku leeyihiin madaxda Afrika ,ayaa diirradda lagu saarayaa xaaladda cakiran ee Soomaaliya,ee dhibaatadeedu saameyn ku yeelaty dalalka Afrika gaar ahaan kuwa Bariga Afrika.

Jean Mfasoni, oo ah xog-hayaha Ururka Midowga Afrika ayaa warfidiyeennada ku sugan Kampala u sheegey,in shirka Midowga Afrika  lagu doonayo xal buuxa oo laga gaaro arrimaha murugsan ee dalka Soomaaliya,wuxuuna sheegey in la doonayo xoojinta amaanka,islamarkaasna looga adkaan lahaa kooxaha la dagaalamaya dowlladda kumeelgaarka Soomaaliya.

Sidoo kale Madaxda Afrika waxay ka wada hadli doonaan dhibaatooyinka ka jira Galbeedka Afrika, gobolka Daafuur ee dalka Suudan iyo xaaladda amaan ee dalka Somalia oo muddo20 Sano ah dagaallo ka socdaan,ayuu hadalkiisa ku darey xog-hayaha Ururka Midowga Afrika.

Shirka Sanadka ee Madaxda Afrika ayaa looga hadlayaa xaalladda amaanka iyo nabadgeliyada Qaaradda,iyadoo ajandaha ugu Sarreeya ee shirka ay ugu horreyso xaaladda Soomaaliya.

Jean Mfasoni,  ayaa sheegay in Shirkaan oo soconaya muddo saddex maalmood ay ka qeyb galeen in ka badan  40 madax oo ka socota qaaradda Afrika,waxaana la doonayaa in xal wanaagsan loo helo dhibaatada iyo dagaalada ka soconaya Somalia waana arrinta ugu wanaagsan ee madaxda Afrikaanku doonayaan inay xalliyaan ayuu hadalkiisa raaciyey.

Warqabadka SSMC Somalia

Aadan Cusmaan

Bokoola@hotmail.com

Dagaal Galabta ka Dhacey Degmada Hodan.
Muqdisho SSMC:-Abaarihii shantii galabnimo ayaa dagaal aad u kululi wuxuu dhaxmarey Ciidamda Xarakada Alshabaabul Mujaahidiin,Xisbul Islaam oo dhinac ah iyo Ciidamada Culumada Ahlu Sunna Walamaaca oo fariisin ku leh halka loo yiqaanno Biyo degga.

Dagaalka ayaa wuxuu si toos ah uga dhacey inta u dhaxeysa Isgoyska Dabka iyo kan Bakaaraha,waxana la isku adeegsadey Hubka noocyadiisa kala duwan,iyadoo Hubka culus iyo kan fudud ee la isdhaafsanayo uu ku soo daadanaayey Suuqa weyn ee Bakaaraha.

Hubka Lidka diyaaradaha Hoobiyeyaasha iyo Rasaasta caadiga ayaa ku soo hoobaneysay Bakaaraha,waxana dagaalkaas ku dhintey 5 qofood oo rayid ah iyo 10 kale oo dagaalkaas ku dhaawacantey,xilliga dagaalku qarxey oo ku beegneed goorta ay Ganacsatadu ka rawaxayeen Suuqa weyn ee Bakaaraha.

Sarkaal u hadley culumada Ahlu Sunna Waljamaaca oo ka hadley dagaalkaasi ayaa sheegey in iyaga la soo weerarey islamarkaasna ay jilibka u dhigeen,asagoo sheegtey in dhinacyadii soo weerarey ku qasbeen inay kala firxadaan,wuxuuna sheegey inay ka dileen kana dhaawaceen 10 qofood.

Ma jiro warar ka soo baxey dhinaca Xisbul Islaam iyo Xarakada Alshabaabul Mujaahiddiin,mana jiro warar madax banaan oo ka soo baxey dagaalka galabta ka dhacey degmada Hodan ee gobolka Banaadir.

Warqabadka SSMC Somalia

Aadam Cusmaan

Bokoola@hotmail.com

Taliyaha Ciidanka Ilaalada Madaxtooyada oo Beeniyay Inuu isku Dhiibay Al-Shabaab.
Muqdisho SSMC:-Taliyaha Ciidanka Miliratiga ee Ilaaliya Xarunta Madaxtooyada ee Villa Soomaaliya ayaa maanta beeniyay war ay sheegteen Xarakada Alshabaabul Mujaahiddiin,oo ahaa in Taliyaha iyo Saraakiil ka tirsan dowladda ay isku  soo dhiibeen iyaga.

Taliyaha Ciidanka Militeriga ee Ilaaliya Madaxtooyada, Gaashaanle sare C/laahi Cali Caanood oo maanta shir jaraaid ku qabtey Xarunta Madaxtooyada ee Villa Soomaaliya,ayaa waxaa uu beeniyay hadal maanta ka soo baxey Afhayeenka howlagallada dagaalka ee Xarakada Alshabaabul Mujaahidiin C/siis Abuu Muscab ku sheegey in Saraakiil ka tirsan ilaalada Madaxtooyada oo uu hoggaaminayo Caanood u soo goosteen dhinacooda.

Taliyaha Ciidanka Ilaalada Madaxtooyada ayaa shacabka Soomaaliyeed iyo hay’adaha amaanka ee dowlladda ogeysiiyey,inuu warkaasi yahay been abuur aan sal iyo raad laheyn,wuxuuna warkaasi ku tilmaameen inuu yahay mid ay magac ku raadinayaan,islamarkaasna ay ugu talagaleen inay tashwiish ku furaan Ciidamada iyo Saraakiisha Ciidamada dowlladda,sida uu hadalka u yiri.

Gaashaanle sare C/laahi Cali Caanood ayaa sidoo kale waxaa uu waxba kama jiraan ku tilmaamay wararka sheegaya in saraakiil ka tirsan Madaxtooyada ay isku dhiibeen Xarakada Mujaahidiinta AL Shabaab intuu uu xilkan hayay.

Hadalkaani ka soo yeeray Taliyaha ciidanka militariga Soomaaliya ee Ilaalada Madaxtooyada,ayaa ku soo beegmey war ay maanta soo saareen Xarakada Alshabaabul Mujaahiddiin oo sheegaya in Saraakiil ka tirsan Ciidamada Madaxtooyada oo uu hoggaaminay C/llaahi Cali Caanood isku soo dhiibeen,iyaga islamarkaasna ka mid noqdeen Xarakada Alshabaabul Mujaahiddiin,warkaas oo uu saxaafadda u sheegey Afhayeenka howlgallada ee Xarakada Alshabaabul Mujaahidiin C/siis Abuu Muscab.

Warqabadka SSMC Somalia

Aadan Cusmaan

Bokoola@hotmail.com

Madaxweynah Kenya oo Booqasho ku Maraya Gobolka Waqooyibari ayaa Ballanqaad Badan u Sammeeyey Shacabka Gobolkaas.
Gaarrissa Kediguuray:-Madaxweynaha dalka Kenya Mwai Kibaki ayaa booqdey magaalada Gaarissa ee Xarunta Gobolka Waqooyi Bari ee ay Soomaalidu degto,wuxuuna meel fagaare ah kala hadley Shacabka Degmada Gaarrissa.

Madaxweyne Kibaaki ayaa shacabka ugu baaqey inay Haa ugu codeeyaan Dastuurka cusub ee dhowaan codka loo qaadi doono,asagoo sheegey in Dastuurkaas ay ku jiraan qodobo muhiim u Islaamka ku dhaqan dalka Kenya.

Madaxweynaha Kenya ayaa Shacabka Gobolkaas u sheegey inuu u magacaabey 3 degmo oo hor leh,kuwaas oo kala ah Balanbala oo Gaarrisa ka mid ahaan jirtey,Tarbacha oo Wajeer ka mid ahaan jirtey iyo degmada Habaasweyne oo Wajeer ka mid ahaan jirtey.

Sidoo kale wuxuu ballan qaadey in Wadada isku xirta Gaarissa iyo Mandera Laami laga dhigayo ,wuxuuna sheegey inay dhiseyso dowlladda Sacuudigum,sidoo kale wadada isku xirta Gaarrissa iyo Lag Dheera iyadana Laami laga dhigaayo.

Madaxweyne Kibaaki ayaa sheegey in Machadka Tababarka Macalimiinta ee Gaarissa ku yaalla maanta laga billaabo ay u aqoonsadeen Jaamacad Buuxda,iyadoo taasi ka dhigeysa Jaamacadii 2aad oo gobolkaasi yeesho,waxa hore ugu taalley Jaamacad Islaami ah.

Dhinaca kale wafdiga Madaxweynaha oo ay ka mid yihiin Wasiirro iyo Madaxweyne ku xigeenka dalkaasi ayaa iyagana shacabka gobolkaas ugu baaqey inay Dastuurka ugu codeeyaan Haa,iyagoo sheegey inuu qeexayo in Maxkamadaha Qaalliga hoggaaminayo uu ahaado nin Muslim ah.

Wasiirka Arrimaha Dibadda dalka Kenya oo ka mid ahaa wefdiga la socda Madaxweynaha ayaa si weyn u canaantey Kiristaamiyiinta Kenya,inay qorsheynayaan inay diidaan Dastuurka,asagoo sheegey inuu Dastuurku Diintooda sida ugu dhaqmaan ogol yahay,balse ay diiddan yihiin Maxkamadaha Islaamka ee loo ogol yahay Muslimiinta Kenya inay isku xukumaan.

Warqabadka SSMC Somalia.

Aadan Cusmaan

Bokoola@hotmail.com

Hoggaamiyaha Labaad Ururka Al-Qaacida oo Sheegay in Maraykanka kaga Adkaan Doonaan Somaliya.
Afghaanistaan SSMC:-Wadaaadka Labaad ee ugu sareeya Urur weynaha AlQaacidda Ayman AL-Zawahiri ayaa sheegay in Maraykanka ay kaga adkaan doonaan dalka Soomaaliya.

Dr.Al Zawahiri oo soo duubay cod maqal ah ayaa sheegay in dagaalada ay kula jiraan dalka Maraykanka iyo reer Galbeedka ay kaga adkaan doonan dalka Soomaaliya, isagoo intaas ku darey inay kaga adkaadeen Maraykanka iyo xulafadiisa dalalka Ciraaq iyo Afghaanistan.

Ku xigeenka Hogaamiyaha Ururka AL-Qaacida Ayman AL-Zawahiri ayaa sidoo kale ku eedeeyay hogaamiyayasha Carabta inay wax ka qaban waayeen dhibaatada lagu hayo dadka Reer Falastiin,wuxuuna Madaxweynaha Mareykanka Brack Obama  uga digey inuu Ciidamo u diro dalal ay ka mid yihiin Soomaaliya,Yeman iyo Galbeedka Afrika.

Al-Zawaahiri ayaa Cod dheer ku yiri__Obaamoow, waxaan kaaga adkaanay Maraykanka iyo xulafadiisa dalalka Ciraaq iyo Afghaanistaan, waxaana kaaga adkaan doonnaa dalalka Soomaaliya, Falastiin iyo Galbeedka  Afrika,Ku Xigeenka Usama Bin-Laadin.

Hadalka Hogaamiyaha Labaad ee Al-Qaacid ayaa imaanaya xili dhawaan Xarakada Mujaahidiinta Al Shababa oo lagu tiro inay xariir la yihiin Al Qaacida ay qaraxyo ka geysteen Dalka Uganda,islamarkaasna ay hanjabaad u direen wadamo kale oo Afrikaan ah.

Warqabadka SSMC Somalia

Aadan Cusmaan

Bokoola@hotmail.com