Home » Warka Soomaali
Ardey ku geeriyootay Qaraxii shalay ka dhacay Wadada Warshadaha ee Muqdisho.
Muqdisho SSMC:Warsaxaafadeed ka soo baxaya Xafiiska Wasiirka Warfaafinta Xukuumada KMG Soomaaliya C/raxmaan Cumar Cusmaan (Ing.Yariisow) ayuu ku sheegay in Qaraxii shalay ka dhacay qeybo ka mid ah wadada Warshadaha ee Magaalada Muqdisho ay ku geeriyoodeen ilaa sedax gabdhood oo ka mid ahaa ardeydii wax ka baraneysay achadka SIMAD.
Qaraxa shaley ka dhacey Wadada Warshadaha oo ay Fariisin ku leeyihiin...
Ra’iisul wasaare Sharma’arke oo sheegay in ciidamada DKMG lagu tababarayo dalka.
Muqdisho SSMC:Ra’iisul wasaaraha Xukuumada KMG Soomaaliya ayaa maanta war qoraal ah ku sheegay in wixii haatan ka dambeeya ciidamada dowladda lagu tababari doono oo kaliya gudaha dalka Soomaaliya halka markii hore dibadda lagu soo tababari jiray.
w
Ra’iisul wasaaraha Xukuumada KMG Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharmarke oo maanta dib ugu soo laabtay gudaha Magaalada Muqdisho ayaa waxaa uu warbixin...
Dowladda KMG oo Saanado Militari u Dirtay Dowllad Goboleedka Puntland
Muqdisho SSMC: Wararka laga helayo xarunta dowlladda KMG ayaa sheegaya inay dowlladda kumeelgaarku Saanado Militeri u dirty Maamul goboleedka Puntland,kaas oo sida la sheegayo laga dhoofiyey Goroonka caalamiga ee Aadan Cadde Airport.
Warkan oo laga soo xigtey qaar ka tirsan masuuliyiinta dowlladda iyo maamul goboleedka Puntland ayaa xaqiijinaya in toddobaadka hore dowlladda kumeelgaarku saanado ciidan...
Degmada Boondheere oo Qarka u Saaran Inay Noqoto Dhul Banaan oo Guri Ka Taagneen.
Muqdisho SSMC :-Dagaallo xiriir ah oo sadexdii maalmood ee aan soo dhaafney ka dhacay magaalada Muqdisho,ayaa xooggiisu waxay ka socdeen Degmada Boondheere oo kaabiga ku haysa Xarunta Madaxtooyada dowlladda kumeelgaarka Soomaaliya.
Dagaalkan oo u socdey si xiriir ah ayaa sababey inay gebi ka baxaan shacabkii ku noolaa degmada Boondheere,ka dib markii lagu asqeeysiiyey Madaafiicda noocyadeeda kala...
Ciidamada Dowlladda oo Baaritaankii Ugu Ballaaran Ka Fuliyey Muqdisho.
Muqdisho SSMC:-Ciidamada dowladda KMG Soomaaliya aya amaanta Baaritaanadii ugu xooganaa ka fuliyeyey inta badan degmooyinka ay maamusho dowladda KMG Soomaaliya iyagoo gacanta ku dhigey dhowr qofood.
Howlgaladan ay maanta ku dhaqaaqeen ciidamada Booliska ee Dowlada KMG Soomaaliya ayaa waxaa ay ka sameeyeen Degmooyink dhowr ah oo ay ka mid yihiin Degmooyinka Xamarweyne, Xamarjajab iyo Waabari oo dhamantoodba...
Madaxda Afrika oo ka Hadlaya sidii xal loogu heli lahaa Arrimaha Somalia.
Kampala SSMC:-Shirka ay magaalada Kampala ee xarunta dalka Uganda ku leeyihiin madaxda Afrika ,ayaa diirradda lagu saarayaa xaaladda cakiran ee Soomaaliya,ee dhibaatadeedu saameyn ku yeelaty dalalka Afrika gaar ahaan kuwa Bariga Afrika.
Jean Mfasoni, oo ah xog-hayaha Ururka Midowga Afrika ayaa warfidiyeennada ku sugan Kampala u sheegey,in shirka Midowga Afrika lagu doonayo xal buuxa oo laga gaaro...
Dagaal Galabta ka Dhacey Degmada Hodan.
Muqdisho SSMC:-Abaarihii shantii galabnimo ayaa dagaal aad u kululi wuxuu dhaxmarey Ciidamda Xarakada Alshabaabul Mujaahidiin,Xisbul Islaam oo dhinac ah iyo Ciidamada Culumada Ahlu Sunna Walamaaca oo fariisin ku leh halka loo yiqaanno Biyo degga.
Dagaalka ayaa wuxuu si toos ah uga dhacey inta u dhaxeysa Isgoyska Dabka iyo kan Bakaaraha,waxana la isku adeegsadey Hubka noocyadiisa kala duwan,iyadoo Hubka...
Taliyaha Ciidanka Ilaalada Madaxtooyada oo Beeniyay Inuu isku Dhiibay Al-Shabaab.
Muqdisho SSMC:-Taliyaha Ciidanka Miliratiga ee Ilaaliya Xarunta Madaxtooyada ee Villa Soomaaliya ayaa maanta beeniyay war ay sheegteen Xarakada Alshabaabul Mujaahiddiin,oo ahaa in Taliyaha iyo Saraakiil ka tirsan dowladda ay isku soo dhiibeen iyaga.
Taliyaha Ciidanka Militeriga ee Ilaaliya Madaxtooyada, Gaashaanle sare C/laahi Cali Caanood oo maanta shir jaraaid ku qabtey Xarunta Madaxtooyada ee...
Madaxweynah Kenya oo Booqasho ku Maraya Gobolka Waqooyibari ayaa Ballanqaad Badan u Sammeeyey Shacabka Gobolkaas.
Gaarrissa Kediguuray:-Madaxweynaha dalka Kenya Mwai Kibaki ayaa booqdey magaalada Gaarissa ee Xarunta Gobolka Waqooyi Bari ee ay Soomaalidu degto,wuxuuna meel fagaare ah kala hadley Shacabka Degmada Gaarrissa.
Madaxweyne Kibaaki ayaa shacabka ugu baaqey inay Haa ugu codeeyaan Dastuurka cusub ee dhowaan codka loo qaadi doono,asagoo sheegey in Dastuurkaas ay ku jiraan qodobo muhiim u Islaamka ku dhaqan...
Hoggaamiyaha Labaad Ururka Al-Qaacida oo Sheegay in Maraykanka kaga Adkaan Doonaan Somaliya.
Afghaanistaan SSMC:-Wadaaadka Labaad ee ugu sareeya Urur weynaha AlQaacidda Ayman AL-Zawahiri ayaa sheegay in Maraykanka ay kaga adkaan doonaan dalka Soomaaliya.
Dr.Al Zawahiri oo soo duubay cod maqal ah ayaa sheegay in dagaalada ay kula jiraan dalka Maraykanka iyo reer Galbeedka ay kaga adkaan doonan dalka Soomaaliya, isagoo intaas ku darey inay kaga adkaadeen Maraykanka iyo xulafadiisa dalalka Ciraaq...