Home » Uncategorized

Axmed Siilaanyo oo ku guuleystey Madxweynaha Somaliland.

Hargeysa [SSMC]-Natiijada doorashada Somaliland ayaa caawa si rasmi ah loogu dhawaaaqey,waxna natiijada doorashada ku dhawaaqey guddoomiyaha doorashada Soomaaliland,waxana doorashada Madaxtinimada Somaliland ku guuleystey Axmed Maxamuud Siilaanyo. Guddiga doorashada ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqey natiijada ay kala heleen saddexda Xisbi ee ku tartamey,waxana doorashadaas 49% heley Xisbiga Kulmiye oo... 

Dhab Ma Ka Tahay Inuu Yuusuf Indhacadde Ka Toowbad Keeney Siyaasadaha Isdiiddan ee Ka jira Sooomaaliya?

Muqdisho SSMC:-Wasiiru dowlihii gaashaandhiga Yuusuf Maxamed Siyaad “Indha Cadde” oo shalay iska casilay xilkiisa, ayaa sheegay inuusan  ku biiri doonin  dhinacyada isaga soo horjeeda siyaasada Soomaaliya, isagoo  ka hadley sababihii uu xilkiisa uga tagey. Yuusuf Indha Cadde oo ku caan baxey dagaalada ka jiray Soomaaliya ayaa markii ugu horreeysey sheegey inuu ku fashilmey sababihii uu wadey... 

Madaxweyne Shariif oo R/wasaaraha ka Dalbadey Inuu Iscasilo Khilaaf Mar Kale Cirka Isku Shareerey.

Muqdisho SSMC:-Khilaaf xoogan ayaa mar kale soo kala dhex galay Madaxweynaha Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed iyo Ra’iisul Wasaare Cumar C/rashiid, ka dib markii uu Madaxweynuhu Wasiirka 1aad ka dalbadey inuu istiqaaladiisa soo gudbiyo,taasoo uu diidey Cumar C/Shiid.   Wararla laga helayo Madaxtooyada ayaa sheegaya inuu cirka isku shareerey khilaafkii u dhaxeeya Madaxweynaha iyo R/wasaaraha... 

Muqdisho oo Maanta Aheyd Maalin Dagaal Dhinacyada Dagaalamaya oo Guulo Kala Sheegtey Wararkii ugu Dambeeya ee Muqdisho.

Muqdisho SSMC:-Ciidamada Dowladda KMG Soomaaliya oo ay kaalinayaan Ciidamada Midwoga Afrika ayaa saaka aroortii weerar kula jarmaadey,fariisimada Waqooyiga Muqdisho ku lahaayeen dhinacyada Hubeysan ee ka horjeeda dowlladda iyojoogitaanka AMISOM,waxana dagaalkaas la isku adeegsadey Hubka culus iyo kan fudud,iyadoo ay dagaalka barbar socdeen duqeymo aad u culus. Hugunka Hubka culus ee la islku ridaayo... 

Universal TV Xafiiskiisa Muqdisho oo ka Xumaaday Warkii ka Baxay Xarunta Tiifiiga ee UK.

Muqdisho SSMC:-Maamulka iyo Shaqaalaha Telifishinka Universal Xafiiskiisa Muqdisho ayaa soo saaray war Saxaafadeed ay ku muujinayaan sida ay uga xun yihiin war ka baxay 29/05/10 Talefishinka Univesal,warkaas oo ahaa war uu soo direy Weriye uga soo warama Taleefishinkaas dalka Koonfur Afrika,warkaas  oo laga dhex arkay kartoon ay wargeysyada dalka K/afrika soo daabaceen islamarkaasna lagu aflagaadeeynayo... 

Maamulka Lafoole ee Xisbul Islaam ayaa Maanta Bilaabey Inay Burburiyaan Dhismeyaasha ku Yaal Jaamacadda Lafoole.

Lafoole SSMC:-Maamulka Xisbul Islaam deegaaanka Lafoole ayaa todobaad ka hor amar ku bixiyey in laga guuro Jaamacadda Waxbarashada Lafoole,ka dib markii halkaas laga bilaabey in laga dhisto deegaanno iyo goobo ganacsi oo waaweyn,waxana dhulka Jaamacadda Lafoole iibsanaya kooxo qabsadey markii ay burubrtey dowlladdii dhaxe ee Soomaaliya. Gudaha Jaamacadda Lafoole ayaa waxa laga dhistey dhismooyin dhagax... 

Yuusuf Indhacade oo Qaraxii Dhowaan Lala Beegsadeyku Eeedeeyey Dowlladda Kumeelgaarka Soomaaliya.

Yuusuf Indhacade Muqdisho SSMC:-Yuusuf Maxamed Siyaad Indhacadde oo dhowaan lala beegsadey Qarax Miino,ayaa shir saxaafadeed ku qabtey magaalada Muqdisho,wuxuuna qaraxaasi ku eedeeyey inay ka dambeeyaan qaar ka mid ah Ciidamada dowlladda oo ku sugan halka asaga qaraxa loola eegtey. Yuusuf Indhacade ayaa sheegey inay arrintaas ka dambeeyaan qaar ka mid ah Ciidamada dowlladda oo ku sugan isgoyska... 

Sulddaan Faqi Sayid Faqi oo Digniin Culus Ka Soo Saarey Xaaladda Cakiran ee Soomaaliya.

    Suldaan Faqi Sayid Sulddaan Faqi Columbus SSMC:Sulddaan Faqi Sayid Suldaan Faqi oo ka mid  ah Salaaddiinta Soomaaliyeed,gaar ahaan kuwa Beelaha Digil iyo Mirifle ayaa ka hadley xaaladda Siyaasadeed,nabadgelyo iyo bulsho ee dalka Soomaaliya,asagoo ku sugan dalka Mareykanka. Sulddaanka oo ay hadaladiisa ka muuqatey niyad jab iyo murugo ayaa  sheegey hadalo dhinacyo badan taabanaya ,wuxuuna... 

Shariif Xasan oo Iska Casiley Xilalkii uu ka Hayey Golaha Wasiirada una Sharaxan Guddoomiyaha Baarlamaanka.

Muqdisho SSMC:Shariif Xasan Sheekh Aadan oo ahaa Wasiirka Maaliyadda ahna R/wasaare ku xigeenka Xukuumadda uu hoggaamiyo Cumar C/shied ayaa iska casiley labadaas xil ee uu hayey,wuxuuna sheegey inuu Musharax u yahay Gudoomiyaha Baarlamaanka kumeelgaarka. Waraaqda iscasilaadda ayuu maanta ku wareejiyey Wasiirka 1aad ee Xukuumadda Soomaaliya,taasoo uu ka gudoomey Cumar C/shied Cali Sharmaarke,iscasilaadda... 

Maamulka Xarakada Alshabaab ee Gobolka Gedo oo ku Guuleystey Inay Mamnuucaan Jarista Dhirta Halka Jubooyinka Shabeellada Hoosena Weli ka Socdo Xaalufin Badan.

Beledxaawo SSMC-Maamulka Xarakada Alshabaab ee degmada Beledxaawo ayaa ku guuleystey inuu meesha ka saaro jarista Dhirta  laga shidaayo Dhuxusha,ka dib markii deegaankaas qarka u saarmey inuu Xaaluf noqdo. Maamulka ayaa dadka ka shaqeysta Shididda Dhuxusha amar adag dul dhigey islamarkaasna ganacsata ka qaadata ku amrey inay joojiyaan ka ganacsiga Dhuxusha,waxana dhowr jeer xannibaad lagu rogey Baabuurta...